Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kormeer ku tagey xerada tababarka Ciidanka ee TurkSom, isagoo ku boggaadiyay Saraakiisha Turkiga tababarka heerkiisu sareeyo ee ay siinayaan Ciidamadda.
Ra’iisul Wasaare Rooble oo kormeeray qeybaha kala duwan ee xarunta ayaa ku tilmaamay ciimadda ka soo baxa qeybaha tababarka ee kuliyaddan rajada iyo tusaalaha dib-u-dhiska ciidammada iyo dib-u-soo celinta dowladnimada, sharciga iyo kala dambeynta Soomaaliya.

