Maanta oo arbaca ah ayaa lagu wadaa in magaalada jowhar ee xarunta gobolka shabeelaha dhexe in ay ka dhacdo dooradhada gudoomiayaha iyo gudoomiye ku xigeenka barlamaanka cusub ee maamulka hirshabeele
Musharixiinta u taagan xilka gudoomiyaha Baarlamaanka 2-aad ee Hirshabeelle iyo ku xigeenadiisa ayaa diyaar garoow xoogan haatan ku jira waxaana qof walba uu isku diyaarinyaa sidii uu uga guuleysan musharaxninta la tartameysa , iyadoo haatanba ay socoto abaabulka kulanka Babaarlamaanka.
Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka 2-aad ee Hirshabeelle waxaa u tartamaya laba Musharax oo kala ah Cabdixakin Luqmaan Xaaji Maxamed iyo Maxamed Maxamuud Ibraahin Goodir,
halka Guddoomiye ku-xigeenka koowaad u taagan yihiin laba Musharax oo kala ah Siraaji Sheekh Isxaaq Cabdulle iyo Saadaq Salaad Warsame.
Marwo Canab Axmed Ciise oo hore u ahayd Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka
Hirshabeelle
Doorashada ka dhaceysa deeganada maamulka hirshabeele ayaa hada ah mid gabo gabo mareysa waxaana doorashada Gudoonka Baarlamanka 2-aad ee hirshabeelle xigi doono doorashada madaxweynaha Hirshabeelle.
Waxaana tani ay kusoo aadaysa xili wali ay jirto cabasho laga mujinayo doorashada ka dhacesa deegaanada maamulka hirshabeele islamarkaasna ay xusid mudantahay in madaxweynaha mamaulka hirshabeele maxamed cabdi waare oo la hadlay warfidiyeenada uu sheegay in doorashada maamulka hirshabeele la afduubtay
Lama oga sida ay waxnoqonyaan balse maanta ayaa loo fadhiyaa doorashada gudoonka cusub ee uu yeelanayo barlamaanka hirshabeele

