Ciidamadda Kumaandooska Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgalo ka fuliyay degmada sablaale ee gobolka Jubadda Hoose.
Howgalka ayaa lagu dilay sarkaalkii al-shabaab uqaabilsanaa jubooyinka iyo toban dagaalyahan oo lasocday.
“Ciidanka kumaandooska ayaa kawar hayay in habeenimadii sabtida sarkaalka iyo dagaalyahanadda la socday soo gaareen sablaale ayaa howlgal qorsheeysan kafuliyay degmadaasi iyagoona ugu galay gurigii ay kajoogeen sablaale islmarkaasna goobti kuwada toogtay sarkaalka iyo ciidamadiisa”,ayaa lagu yiri warka.
Sarkaalka la dilay ayaa ku magac dheeraa (Mucaad dheere) kaasi oo al-shabaab uqaabilsanaa Guboladda jubooyinka.
Ciidanka kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa kordhiyay howlgalada qorsheeysan ee lagu beegsanaayo saraakiisha Al-shabaab iyo ciidankooda.

