Al-shabaab oo Sheegay in uu Si Dirqi ah Ugu Badbaaday Madaxweynaha Galmudug

0

Al-shabaab ayaa Madaafiic ku weeraray Garoonka diyaaradaha Magaaladda Dhuusa-mareeb ee caasimadda Maamulka Galmudug.

Warbaahinta Shabaab ayaa lagu baahiyay in Madaafiic garoonka xiliga lagu weeraray uu halkaas diyaarad ka raacayay Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor).

“Ciidamo katirsan Al Shabaab ayaa weerar madaafiic ah ku qaaday garoonka Magaaladda Dhuusamareeb xilli ay halkaas ka kacaysay diyaarad uu la socday Axmed Qoorqoor, diyaaradda uu la socday madaxweynaha Galmudug ay si dirqi ah uga fakatay madaafiicda Al Shabaab”,ayaa lagu yiri warka Shabaab.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Madaxtooyadda maamulka galmudug ee Magaaladda Dhuusa-mareeb oo loogu hadlaayo warka Shabaab kasoo baxay.

Shabaab ayaa mudooyinkii dambe kordhiyay weeraradda ay la beegsadaan magaaladda Dhuusa-mareeb,gaar ahaan garoonka Diyaaradaha Magaaladaas.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here