Warar aan ka helayno gobolka bay ayaa waxa ay sheegayaan in tira hoyaal ah lagu garaacay garoonka diyaaradaha magaalada beydhabo ee xarunta gobolka bay
Garoonka diyaaradaha magaalada beydhabo ee la weeraray waxa la sheegay in ay ku suganyihiin ciidamo ka tirsan kuwa itoobia kuwaas oo halkaasi ujooga sugida amaanka garoonka diyaaradaha shaati gaduud ee magaalada beydhabo
Qar ka mid ah dadka deegaanka oo an la hadalnay ayaa sheegay in maqlayeen jugta madaafiicda lagu weeraray ciidamada itoobiya eek u sugan garoonka diyaaradaha magaalada beydhabo ee xarunta kumeel gaarka mamaulka koonfur galbeed Somalia balse aysan si rasmi ah u xaqiijin Karin qasaraha dhabta ah ee ka dhashay madaafiicda lagu garaacay magaalada beydhabo
Waxaana ay dadka deegaanku ay inoo sheegeen in tirada madaafiicda ay maqleen ay kor udhaafayaan ilaa iyo 10 madaafic ah.
Wali si rasmi ah looma oga cida ka danbeysa weerarka madaaficda ah ee lagu qaaday ciidamada itoobiya eek u sugan garoonka diyaaradaha magaalada beydhabo
Waxaana wararku ay sheegayaan in hatan xaalku uuyahay mid degan islamarkaasna magaalada beydhabo saakay laga dareemayo dhaqdhaqaayo ciidan
Sidookale wali majiro wax war ah oo ka soo baxay dowladda faderaalka ah iyo maamulka koonfur galbeed oo looga hadlayo madaaficda lagu garaacay garoonka diyaaradaha shaati gaduud ee magaalada beydhabo.

