Maamuladda Puntland iyo Galmudug ayaa isku khilaafay soo qabashadda rag dilal ka geystay Degmadda Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.
Ragga dilka geystay ayaa u baxsaday dhanka Deegaanka Saaxo,Galbeedka Gobolka Mudug Dhanka Maamulka Puntland.
Sida ay inoo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonan karo, maamulka Galmudug ayaa ka codsaday Maamulka Puntland in ay u qabtaan ragga dilka geystay balse arintaas wey ka biya diideen.
Mid kamid ah waxgaradka Gobolka galgaduud oo la hadlay idaacadda Simba ee magaaladda Muqdisho ayaa dhankiisa sheegay in odayaasha labadda Maamul ay is horfadhiisteen balse dhanka kuwa Puntland ay sheegeen in aysan gacan ku heynin.
Nabadoon Yuusuf Shire Warsame ayaa sheegay in guddi loo saaray in ay soo qabtaan ragga dilalka geystay ee baxsaday.
Dhanka kale warar idaacadda Simba ee Magalaadda Muqdisho ayaa sheegaya in wafdi uu hogaaminayo wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Galmudug cabdi waayeel ay gaareen deegaanka Saaxo,islamarkaana Maamulka Puntland ay kala hadlayaan sidii raggaas gacanta loogu soo galin lahaa.

