Dowladda kenya ayaa ciidamo fara badan usoo dirtay Gudaha Dalka Soomaaliya gaar ahaan Magaaladda Kismaayo ee caasimadda KMG ah ee maamulka Jubbaland.
Ciidamadaan ayaa Magaaladda kusoo galay laba qaab oo kala ah Ciidamo magaalada ku yimaaday Doomo oo dhanka badda kasoo galay iyo ciidamo diyaaro lagu keenay Magaaladda Kismaayo.
Qorshaha ciidamadaan ayaa ah in lagu sii xoojiyo ciidamadda Kenya ee qeybta ah howlgalka AMISOM Kuwaasi oo horey ugu sugnaa Magaaladda Kismaayo iyo magaalooyinka kale ee Maamulka Jubbaland.
Faarax Gaacir oo kamid ah Golaha isbadalka Doonka Maamulka Jubbaland oo la hadlady Idaacada Simba ee magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in Dowladda Kenya ay ciidamo badan keentay Magaaladda Kismaayo.
Waxa uu sheegay in ay ka faaideysanayaa xiliga kala guurka,islamarkaana ay meesha ka saareen qorshihii ay kaga bixi lahaayeen Dalka.
Dhanka kale Faarax Gaacir oo kamid ah Golaha isbadalka Doonka Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in Kenya iyo Soomaaliya uu haatan khilaaf uu ka dhaxeeyo,balse ay u muuqato mid ka faaideysanaysa arrimaha jira.
Ciidamadda kenya oo si sharci darro ah ku soo galay soomaaiya ayay mas’uuliyiinta dalkaas had iyo jeer u raadiyan mar-marsiiyo ay kuu sii qaataan lacagaha badan ee qaramada midoobay iyo midowga Afrika ay ku bixiyaan nabadgelyadda soomaaliya.
Wasiirka Gaashaandhigga Kenya, Monica Juma, oo wareysi siisay Wargeyska Nation ee ka soo baxa magaalada Nairobi, ayaa faahfaahin ka bixisay sababaha ku xiran in milatariga Kenya ee ku sugan Soomaaliya laga soo saaro.
Monica Juma ayaa meesha ka saartay in Ciidamda kenya ee ku howlgala Amisom aysan ka bixi doonin iyadoo shuruudo ku xirtay bixitankooda.
Monica aya sidoo kale sheegtay in Ciidamada Kenya ay u imaadeen xasiloonida iyo sidii Amaanka Soomaaliya ay u Sugi lahaayen.
Ciidamada kenya ayaa tan iyo markii ay Gudaha Soomaaliya soo galeen sanadkii 2011kii, waxay tacadiyo kala duwan ka gaysteen dalka, Sidoo kale Ciidanka Kenya ayaa dhowr jeer lagu eedeeyay in ay iibsadaan hubka iyo saanada loogu talo galay howlgalka Amisom.

