Cabdi Khadar Ambalaas Oo Lagu Dilay Xaafad Ka Tirsan Magaalada Muqdisho

0

Xaafada soonakeey oo ka tirsan xaafadaha kuyaala magaalada muqdisho ee caasimada dalka ayaa waxa la sheegay in xalay dil loogu geeystay masuul ka tirsanaa saraakiisha ciimada dowladda .

Dilka masuulkaan ka tirsanaa ciidamada dowladda ayaa waxa la sheegay in ay ka dambeeyeen dableey hubeysan kuwaasi oo la sheegay in dilka kadib ay goobta iskaga bexeen .

Dagaalamayaasha al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyada dil xalay xaafad ka tirsan muqdisho loogu geeystay masuul ka tirsan dowladda.

Wararka baraha interneetka  ay ku bahiyaan al-shabaab  ayaa waxa lagu sheegay in sargaal ka tirsan ciidamadda ay ku dileen xaafada sonakeey ee magalada muqdisho islamarkaasna ay iyagu ka danbeeyeen dilkaasi.

Warka kasoo baxay Al-shabaab ayaana lagu sheegay in koox hubeysan oo ka tirsan ay sarkaal sare oo

Lagu magacaabijray  Cabdi Khaddar Ambalaas islamarkaasna  ka tirsan ciidmada dowldda faderaalka Somalia ay ku dileen xaafada sonakey

Al-shabaab ayaa inta badan dhabarka u rita masuuliyada dilalka saraakiisha iyo ciimada dowladda loogu geeysto gudaha magaalada caasimada ah ee muqdisho

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here