Dowladda Oo Sheegtay In ay Howlgalo Ku Bur Buriyeen Goobo Al-shabaab ay kula haayeen Hiiran

0

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda faderaalka Somalia  ayaa guulo ka sheegtay howlgalo ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah deegaano hooyimaada gobolka hiiran.

Ciidanka Xoogga dalka, gaar ahaan Guutada 5-aad, Qeybta 27-aad  ayaa howlgalo qorshaysan

Waxa la sheegay in ay ka sameeyeen inta u dhaxeysa degmooyinka  Baladweyne iyo Maxaas ee Gobolka Hiiraan howlgaladaasi  oo ay dowladdu ku sheegtay in ay ku xaqiijinayaan amaanka degaanada iyo degmooyinka dhaca gobolka hiiran.

Saraakiisha Ciidamada dowladu waxa ay sheegeen in  intii uu howlgalku socday  ay ku bur-buriyey goobo badan

Dowladdu ma aysan sheegin cid howlgaladaasi ay ku soo qabteen iyo sidoookale dad ay ku dileen intaba balse waxa ay sheegeen in howlgaladaasi ay udheceen sidii llogu talagay islamarkaasna ay guula ka gaareen howlgaladaasi.

Howlgaladaan ay ciidmada dowladda ka sameeyeen deegaanada hoosyimaada gobolka hiiran ayaa waxa ay imaanayaan xili la gudagalay doorashooyinka maamulka hirshabeele islamarkasna ay siidheertahay mida lagu soo xuluyasho xildhibaanada cusub ee dowladda faderaalka Somalia

Waxaana dhaman doorashoyinkasi ay ubaahanyihiin in laxaqiijiyo sugida amaanka deegaanada iyo magaalooyinka ay ka dhacayaan doorashooyinka.

Dowladda faderaalka ayaa horay u sheegtay in ay sugayaan amaank goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka waxaana ay ciidamada dowladda la sheegay in hada ay kordhiyeen howlgalada lagu sugayo amaanka guud ahaaba dalka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here