Qaar kamid ah magaalooyinka Soomaaliya ayaa waxaa maanta ka dhacay banaanbax loogu soo horjeeday aflaagadii Madaxweynaha Dalka Faransiiska uu u geystay Suubanaheena Nabi Maxamed NNKH.
Magaalooyinka Muqdisho,Cadaado, iyo Gaalkacyo ayaa maanta lagu qabtay Banaanbax loogu soo horjeeday aflaagadii Madaxweynaha Faransiiska.
Dadka banaanbaxa dhigayay ayaa gubay calanka dalka Faransiiska waxayna soo muujiyeen sida ay kaga xun yihiin aflaagadda Madaxweynaha Dalka Faransiiska.
Dhanka kale Maamulka Magaaladda Cadaado oo la hadlay dadka ayaa ka codsaday in la qabto banaanbaxyo waa weyn oo lagu dhaliilayo aflaagadda Madaxweynaha Faransiiska,waxayna dowladda Soomaaliya ugu baaqeen in ay xiriirka u jarto Dalka France,sidoo kalana la hakiyo waxyaabaha dalkaas laga keeno.
Madaxweynaha dalka faransiiska ayaa u gafay Nabigeena Maxamed NNKH
Madaxweyne Macron oo ka falcelinayay dilka nin macallin taariikhda ahaa oo qoorta laga jaray kadib markii uu soo bandhigay sawir uu ku tilmaamay Nebi Maxamed NNKH, ayaa wacad ku maray in dalkiisa uusan joojin doonin sawirrada noocaasi ah.



