Kooxda Daacish oo Sheegatay Weerar Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0

Kooxda Daacish ee Soomaaliya ayaa sheegatay Mas’uuliyadda weerar ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Sida ay baahisay wakaaladda wararka u faafisa ee Acmaaq, weerarkaan ayaa ka dhacay Xaafadda Xoosh Degmadda Dherkinley ee Gobolka banaadir.

Sida warka loo dhigay dagaalyahano ka Tirsan Daacish ayaa weerar ku qaaday Goob ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya ,weerarka ayaa lagu dilay laba askari oo Dowladda Soomaaliya ka tirsanaa.

Daacish ayaa ku hanjabtay in ay sii wadi doonto weeraradda lagu beegsado ciidmadda Dowladda Soomaaliyadda eek u sugan Magaaladda Muqdisho.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here