Somaliland oo Sharuudo Hordhigtay Dadka Kasoo Jeeda ee DFS Ku Jira

0

Maamulka Somaliland ayaa soo bandhigay Sharuudaha laga doonayo dadka ka soo jeeda deegaanadda Somaliland ee xilalka ka qabta Soomaaliya, haddii ay dib ugu laabanayaan magaalada Hargeysa iyo meelaha kale.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Somaliland ayaa lagu shaaciyay Sharuudaha laga doonayo Dadka Dowladda Soomaaliya lasoo shaqeeyay.

“Muwaadin kasta ee Reer Soomaalland oo Qaranka iyo ummadda ka galay dambi, xilna ka qabtay dowladda Federaalka  waxaa kaliya ee lagu saamixi karaa markii uu fagaaro ka cadeeyo in uu iska casilay xilkii kana laabtay fikirkii midnimada Soomaaliya kuna cadeeyo qoraal iyo cod,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Somaliland.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here