Golaha Shacabka Oo maanta Dood Adag Ka Yeelanaya Sharciyo Muhiim Ah

0

Xildhibaanada golaha shacabka ee barlamaanka jamhuuriyada faderaalka somaliya ayaa maanta oo isniin ah 26 octoobar xaruntooda kumeel gaarka ah ee villa hargeysa kuyeelanaya kulan xasaasi ah

Ajendaha kulanka xildhibaanada ayaa ah  Akhrinta  2aad Hindisa Sharciyeedka  Adeegyadda Baaritaanka Beeraha Soomaaliyeed

Waxaa kaloo   Akhrinta  2aad la marsiin doonaa Hindisa sharciyeedka   Dhismaha Hay’adda Diiwaangalinta iyo Bixinta Aqoonsiyada Dadweynaha

Sidookale xildhibaanada golaha shacabka ayaa maanta kulankooda dood adag kayelanaya   U Codeyta W/B Sharciga Hantidhawraha Guud ee Dawladda

Dood dheer kadib waxa la rajeynayaa in maanta xildhibaanadu kulanka ay ku ansixiyaan sharciyadaasi kuwaasi oo islamaanta la horkeenayo

Xildhibaanada golaha shacab ka oo ku jira waqtigii ugu dambeyay ee muddo xileedkooda ayaa bilowgii toddobaadkan meel mariyay xukuumada cusub ee uu soo dhisay raiisul wasaaraha cusub ee dalka

Waxaana ay mudooyinkii dambe yeelanayeen kulamo degdeg ah oo ay ku ansixinayaan sharciyo dhowr ah oo ubaahan in la ansixiyo oo dalka muhiim u ah

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here