Raiisul wasaaraha xukuumada faderalka Somalia ayaa xalay kormeer ku tagay wadooyin xirnaa oo ay dowladdu furtay islamarkaasna dhowr sanadood xirnaa dadka shacabka ahna ay dhibaatooyin ku qabeen.
Raiisul wasaaraha cusub ee dalka maxamed xaseen rooble ayaa indha indheyn ku sameeyay wadooyinka ay dowladu dib ufurtay waxaaana uu shacabka somaliyeed ku dardaarmay in ciidamada amaanka ay kala shaqeeyaan sugida amaanka si kaduwan sidii hore maadaama loo furay wadooyinka.
Wadooyinka ay dowladdu ay dib u furtay islamarkaan uu booqday raiisul wasaaraha waxa ka mid ah waddada xiriirisa Tarabuunka & KM4 oo ka mid ah wadooyinka muhuumka ah ee halbowlaha u ah isku socodka magaalada muqdisho.
Waxaana uu raiisul wasaare rooble sheegay in wadooyinkaan la furay uu rjeynayo in ay yareyn donaan ciriiriga farahabadan ee ka jira wadooyinka magaalada caasimada ah ee muqdisho.
War qoraal ah oo lagu soo daabacay barta intarnetka ee riisul wasaaraha ayaa waxa lagu yiri sidaan, Waxaan caawa kormeeray howsha dib u furista waddada xiriirisa Tarabuunka & KM4 oo ku dhawaad 10 sano xirnayd. Waddadan oo halbowle u ah isu socodka caasimadda waxaan rajeynayaa in ay yareyn doonto ciriirigii ay shacabku ku qabeen jidadka caasimadda.
Dowldda Somalia ayaa horay u xirtay wadooyinkaan sababo la xariira sugida amaanka caasimada
Waxaana ay sheegtay in ay furidoonan marka la xaqiiyo sugida amaanka magaalada balse xukuumada cusub ee uu hogaamiyo raiisul wasaare rooble markii uu yimid ay dowladdu bilowday in ay dib ufurto wadooyinkii u xirna dowldda iyadoo sheegtay in ay kuwa kalana dib ufuridoonto
Dadka shacabka ah ee ku dhaqan muqdisho ayaa iyagu soodhaweyay wadooyinka dowladu ay furtay waxaana ay sheegeen in loobahanyahay in culeyska laga yareyo oo lo furo wadooyinka xiran.

