Iyadoo dhawan la magacabay xukuumada cusub ee uu soo dhisay raiisul wasaaraha cusub ee dalka maxamed xuseen rooble ayaa waxa siweyn usoo dhaweyay qaar ka mid ah aqoonyahanada dalka wallow wali xukumada magacaaban aan la meel marin oo wali aan la horgeyn xildhibaanada golaha shacabka oo marka ay ansixiayay ay si rasmi ah u noqon doonan xukuumad sax ah.
Waxaana xusid mudan in xukuumadaan uu uharsan yahay waqti yar islamarkaasna ay horyaalaan howla adag oo farabadan .
Cabdi raraxmaan daqare oo ka mid ah aqoonyahayanada somaliyeed oo lahadlay idaacadani simba ayaa sheegay in dhankiisa uu si aad ah usoo dhaweynayo uuna ku bogaadinayo in ay siwanaagsan ugutaan waajibaadka qaran ee loo igmaday.
Cabdi raxmaan oo sii hadlayay ayaa sheegay in xukuumadiihii hore ay ku guuldareysteen in ay meesha ka saaran nidaamka 4.5 ee beeluhu wax ku qeybsadaan
Waxaana uu sheegay in loobahanyahay in xukuumadu ay ka shaqeyso si looga gudbilahaa nidaamkaasi iyo in dalka ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah oo loo wada dhanyahay
Dhankale aqoonyahan cabdi raxman daqare ayaa ka hadlay dhacdo xanuun badneyd oo shalay ka dhacday gobolka shabeelaha dhexe oo ku sabsaneyd haweynay ay ciidamada amisom inta gurigeeda ugu galeen ay toogteen kadib markii ciidamada amisom qarax lagu eegtay shabeelaha dhexe
Waxaana uu sheegay in ciidamada amisom dalka loo keenay in ay ilaaliyaan dadka shacabka ah balse aan loo keenin in ay dadka layaan waxaana uu dowlada faderalka ah iyo ciidi waxka qaban karta uu ugu baaqay in ay ka qabtaan tacadiyada ciidamada amisom ay ugeysanayaan dadka shacab ka ah
Horey ayaa la sheegay in ciidamada amisom ay sidan oo kale ay u toogteen haweneyd ay dileen
Hadal aqoonyahay ka ayaa waxa uu imaanaya xili wasiirada magacaaban uu la kulmay madaxweynaha jamhuriyada faderaalka Somalia mudane maxamed cabdulaahi farmaajo islamarkaasna uu soo dhaweeyay uuna ka codsaday xildhibaanada golaha shacab ka in ay an sixiyaan wasiirada cusub ee la magacaabay.
