Dalka taliyaaniga ayaa shaaciyay in dalkaas lagu soo rogayo tilaabooyin cusub oo lagu xakameynayo xanuunka covid-19 oo markale ku soo laba kacleeyay dalkaasi.
Rasal wasaare Conte ayaa sheegay xirashada af-xirka in ay tahay muhiin si looga fogado xayiraado dheeri ah.
Gobaltooyayaasha magaalooyinka dalkaas ayaa waxa awoodloosiiyay in ay xiri karaan goobaha bulsha ay isku yimaadaan. Xiliyada la furayo maqaaxiyaha iyo tirada dadka loo ogolyahay in iskugu yimaadan goobaha bulshada ayaa la adkeyn doonaa.
Tilaabooyinkaan ayaa ku soo aadaya iyadoo taliyaaniga uu diiwaangeliyay maalintii labaad tirada maalin laha ah ee cabuqa covid-19 ee ugu badnaa.
Axadii shalay ayaa dalkaasi taliyaaniga waxaa laga diiwaan geliyay 11, 705 kiis kaas oo ku laba laabmaya tirada kiisaska horay loo diiwaangeliyay, tan ayaa imaaneyso kadib markii maalin ka hor la diiwaangeliyay 10, 925 kiis oo horleh.
taaliyaaniga waa dalkii ugu horeeyay ee ka tirsan qaarada Yurub uu xanuunka safmarka ah uu ka bilaawday, waana dalka sameynta ugu daran uu xanuunka ku yeeshay. Waxaa la sheegayaa ilaa iyo hadda tirada dadka covid-19 uga dhintay dalkaas ay gaarayso 36, 500 oo ruux.

