Magaalada jowhar ee caasimada maamulka hirshabeele waxa lagu soo waramayaa in ay gaareen ergooyinkii ugu faraha badnaa islamarkaasna gordhaw lafilayo in si rasmi ah ay u bilaabato soo xulista xildhibaanada cusub ee barlamaanka maamulka hirshabeele maadaama la xareyay ergooyinkii oo ay ka dhimantahay kuwii ugu danbeyay sida ay shegayaan wararka aan ka helayno deegaanada maamulka hirshabeele
Waxaana xusid mudan in wali aan la shaacin wax xal ah oo laga gaaray khilaafkii muddoyinkii dambe hareyay doorashoyinka maamulka hirshabeele
Nabadoon maxamed yacquub isxaq oo lahadlay idaacada simba ayaa sheegay in ay bilaabatay xareynta ergada soo xuleysa xidhibaanada barlamaanka cusub ee hirshabeele
Waxaana uu sheegay nabadoonku in maamulka kasta uu leeyahay waqti looga talagalay hadu dhamaadana uu banaynayo jagada islmarkaasna ay qasab ay tahay in uu qabto doorasho
waxa uu tilmaamay in ergooyinkii ugu dambeyay ee soo xulaya barlamaanka cusub maanta ay soo xaraynayaan isagoo sheegay in laga heshiiyay arimaha doorashoyinka
Dhankale nabadoon maxamed yacquub isxaaq ayaa waxa uu sheegay in uu furanyahay utartamida madaxweynaha cusub ee maamulka hirshabeele
waxaana uu ku baaqay in ciinadiibku usaaciddo loobaahanyahay in lala shaqeeyo.
Hadalka nabadoonka ayaa waxa uu imaanayaa xili muddoyinkii dambe khilaf xoogan uu ka taagnaa doorashada lafilayo in ay ka dhacdo deegaanada maamulka hirshabeebe
Waxaana hada lagusoo waramayaa in toodabadan la xareyay ergooyinkii soo xulyay barlamaanka islamarkaasna laiskugu tagay magaalada jowhar oo caasima u ah maamulka hirshabebeele.

