Wabbiga Shabeelle Oo Ku fatahay Qeybo Ka mid ah Gobolka shabeelaha hoose

0

Fatahaada wabiga Shabeelle ayaa saameeysay tuulooyin ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose waxaana go’ay wadada xiriirisa Muqdisho iyo Baydhabo iyadoo biyaha ay wadadu ka gooyeen buundada Warmaxan waxaana kala go,an isu socodka bulshada.

Fatahaadan ayaa waxaa ka dhashay dhibaatooyin dhinaca nolosha iyo caafimaad daro dadka ku nool deegaanada shabeelaha hoose waxaana ay wajahayaan gaajo macluul iyo cuduro kala duwan oo ay sabanbeen fatahaadaha webiga.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa codsaday in gurmad lala soo gaaro isla markaana wax laga qeybto dhibaatada ay sababtay Fatahaada.

inta badan fatahaada wabbiga shabeele ayaa kusoo laablaabatay deegaanada maamulka hirshabeele waxaana la sheegay in hada wali ay jira dhibaatinyka ka dhashay fatahaadaha

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here