Warar dheerad ah ayaa kasoo baxaya dagaal qasaare kala duwan dhaliyay kaasi oo ka dhacay tuulooyin hoostaga degmada afgooye ee gobolka shabeelaha hoose
Dagaalkan ayaa waxa uu yimid ka dib markii dagaalamayaasha alshabaab ay weerar ku qaadeen ciidamada ka tirsana dowladda oo ku sugnaa tuulada bululow oo duleedka degmada afgooye
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in dagaalkan uu ka dhashay qasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac wallow aan si dhab ah loo xaqiijin Karin qasaaraha weerarkaasi
Wararka ay baahooda interneetka ku faafaiyaan alshabaab ayaa waxa ay guulo ugu sheegteen weerarkaasi
Waxaana ay sheegeen in askar badan oo ka tirsana ciidamada dowladda ay ku dileen weerarkii ka dhacay duledka degmada afgooye ee gobolka shabeelaha hoose
Iyagoo alshabaab ay intaasi ku dareen in ciidamadda dowladda ay weerarkaasi uga dileen in ka badan 20 walow aysan jirin warar madaxbanaan oo cadeynayaan sheegashadaasi
Majiro wax war ah oo ka soobaxay taliska ciidamada dowladda oo ku aadan weerarka ka dhacay gobolka shabeelaha hoose

