Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya askari ka tirsan Ciidamadda Dowladda Soomaaliya oo dil u geystay Darawal Mooto Bajaaj Magaaladda muqdisho.
Dilkaan ayaa ka dhacay barqanimdii maanta Isgoyska Ex Koontarool Afgooye ee Magaalada Muqdisho.
Qof kamid ah dadkii goobta ku sugnaa oo la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay in askariga iyo Darawalka mooto Bajaaj ay murmeen,taasina ay keentay in la toogo darawalka mooto Bajaajka, oo goobta ku geeriyooday.
Darawalka mooto Bajaajka ayaa magaciisa lagu sheegay Liiban Abeesow,waxaana meydkiisa la geeyay Xarunta CID ee Magaaladda muqdisho.
Askarta Dowladda Soomaaliya ayaa mudooyinkii dambe kordhiyay dilalka ay u geysanayaan Darawalka ka xeeyay Mooto Bajaajka magaaladda muqdisho.

