Amaanka Magaaladda Jowhar oo La Adkeeyay Xili Doorasho Ka Dhacayso

0

Amaanka magaaladda jowhar ee Caasimada Maamulka Hir-shabeelle ayaa si weyn loo adkeeyay, xili lagu wado in magaaladaas ay ka dhacdo Doorasho Maamulkaas.

Ciidamadda Booliska Maamulka hir-shabeelle ayaa howlgalo ka sameeyay Xaafadaha Magaaladda Jowhar,waxaana la xirey wadooyinka ku dhow dhow Xarumaha Maamulka.

Sidoo kale Labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa la dhigey carro faro badan qaar kamid ah wadooyinka xaafadaha Hantiwadaag ee magaalada Jowhar,waxaana halkaas loo diiday gaadiidka dadweynaha.

Dhowaan ayaa waxaa magaalada Jowhar gaaray guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabelle Cismaan Barre Maxamed iyo xildhibaano badan oo ka tirsan baarlamaanka Hirshabelle.

Xildhibaanada ayaa doonaya inay dib ugu soo laabtaan baarlamaanka oo markale ka mid noqdaan halka musharaxiin kale ay wadaan dadaalo ay ku doonayaan inay helaan xubinimada baarlamaanka Hirshabelle.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here