Kenya Oo Ku Dhawaaqday Shuruudaha Ku Xirantahay In Ciidamadeeda Ay ka Saarto Somalia

0

Dowladda kenya ayaa cadeeysay  shuruudaha ku xiran in ciidamadeeda ay kala baxdo gudaha Somalia

Waxaana kenya ay sheegtay in ciidamadeda ay Somalia ku yimaadeen nbad ilaalin aysana ka baxay tan iyo inta laga adkaanaya alshabaab taasi oo meesha kasaareysa warar maalmihii dambe la isla dhexmarayay oo ku aadana in kenya ay ciidamadeeda ay kala baxayso gudaha Somalia

Wasiirka gashaandhiga dalka kenya munica juma ayaa si waafi ah kaga warbixisay sababaha ciidamada kenya ay uga bixikaran Somalia iyadoona si  cad u sheegtay in shuuruudo dhowr ah ay ku xiran yihin in ciidamada milatariaga kenya ay ka baxaan gudaha somalia

 

“Runtrii maba jiraan waxyaabo u baahan in la kala caddeeyo. Kenya waxay qeyb ka tahay waddamada ay ciidamadooda ku jiraan Amisom. Waxaan halkaas ku tagnay qaraar kasoo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Laakiin waa la ogyahay in howlaha aan Soomaaliya ka wadno ay goor horeba sii socdeen laga soo billaabo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991-1992-kii,” ayey tidhi Juma.

Sabab ayaan Soomaaliya u tagnay, dabcanna way jiraan shuruudo ku xiran in annagoo Amisom la mideysan aan ka soo baxno halkaas. Shuruudahaas waxay kala yihiin; In nabad laga hirgaliyo Soomaaliya, in laga adkaado Al-Shabaab iyo in laamaha gudaha ay awood u yeeshaan sugidda amniga

Warkan kasoo baxay kenya ayaa waxa uu imaanaya xili mudooyinkii dambe ay xiisad ka tagneyd  xuuduud beenadka ay  wadagaan Somalia iyo kenya kadib markii ciidamada kenya ay dadka shacab ah ka qafaasheen gudaha dalka islamarkaasna ay dileen

Waxaana intaasi sii dheer in warar laisla dhexmarayay ay sheegayeen in kenya ay damacsantahay in ciidamadeeda ay kala baxdo gudaha somalia

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here