Wararka aan ka helayno gobolka shabeellaha hoose ayaa waxa ay kusoo waramayaan in degmada walaweyn ee gobolka shabeelaha hoose uu ka kacay dab qasaare kala duwan geestay islamarkaasna ay ku basbeeleen goobo ganacsi.
Dankaan ayaa waxa la sheegay inuu ka kacay kaalin shidaal oo ku taala degmada walweyne waxaana intasi ka dib la sheegay in dabku uu ku siifiday goobo ka agdhawaa kaalinta shidaal ee uu dabku markii sii hore uu ka bilowday
Dadka dadka ku dhaqan degmada walaweyn oo is abaabulay iyo maamulka degmada oo iskaashanaya ayaa la sheegay in ay ku bexeen si ay udamin lahayeen dabkaasi iyadoona muddo saacada ah oo ay ku qadatay kadib la sheegay in ay ku guuleysteen in ay damiyaan dabkaasi
Sidookale lama soo warin qasaare nafeed ah oo uu sababay dabkaan ka kacay degmada walaweyn marka laga reebo qasare hantiyadeed uu geeestay dabkaan iyadoo ay xusid mudan tahay in gabi ahaanba ay gubtay kaalintii shidaal ee uu dabku ka kacay
Dabka ka kaca kaalimaha shidaalka ayaa muddoyinkii dambe dalka kusoo badanayay waxaana inta badan loo aan neeyaa in dabku qasaare badan sababo in degmoyinka qaar ee dalka aysan laheen adeegyada dabdamiska iyadoona degmada wawalwyn la sheegay in qudheedu aysan la heyn dabdamis

