Dowladda oo Sheegay In Ay Bur-buriyey Saldhigyo Al-shabaab Ay Ku Lahaayeen gobolada Shabeelloyinka

0

Ciidanka kumaandooska Gor-Gor iyo guutooyinka 7-aad iyo 3-aad ee xoogga dalka ayaa hawlgal qorsheysan waxay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolada shabeelada dhexe iyo shabeelada hoose.

Hawlgalka ayaa ciidanka dowladu ay sameeyeen ayaa  waxa sheegeen  in ay  ku bur-buriyeen maxkamad ay dagaalamayaasha  Alshabaab ay lahaayeen, kuwaasi oo ay dowladu sheegtay in ay dadka uga yeeri jireen,

waxaana sidoo kale ciidanka ay hawlgalka ay sheegeen in ay  ku dileen horjoogihii alshabaab ee  u qaabilsanaa deegaanka basro oo hoos-yimaado degmadda balcad, iyadoona war kasoo baxay  dowladda lagu sheegay in ay fashiliyeen  qaraxyo lagu soo raray gaari xamuul ah.

Taliyaha ciidanka xoogga s/guuto Odawaa Yuusuf Raage, oo l hadlay warbaahinta dowladda ayaa waxa sheegay in ujeedka hawlgalka uu yahay bur-burinta goobaha Alshaabab , isaggoo xusay in ciidanka ay cagta ku dhigeen  goobo badan oo Alshabaab ay ku lahaayeen gobola shabeelaha looyinka  .

Jenaraal Odawaa ayaa sidoo kale tilmaamay in ciidanka xoogga ay u diyaarsan yihiin siddii dalka oo ay kaga saarilahaayeen dagaalamsha alshabaab

Isku soo wada aruuriyo howlgaladaan ay ciidamada dowladda gaar ahaana kuwa gor gor ayaa waxa uu imaanayaa ciidamada ka tirsan dowladda qarax lagu la eegtay duleedka degmada balcad ee gobolka shabeeleha dhexe

Waxaana qaraxaasi la sheegay in ay ku dhinteen ciidamo ilala u ahaa gudoomiyaha degmada balcad gaasim furdug

Ciidamada dowladda ayaa kordhiyay      howlaglada ay ka fulinayaan gobolada dalka waxaana ay sheegaan in howlgaladaan ay kaga goleeyihiin xasilinta iyo amni soo celinta dalka

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here