Madaxda Hirshabeelle Oo Loogu Baaqay In Wadahadal Ay ku Dhameeyan Khilaafkooda

0

Iyadoo deegaanada Maamulka hirshabeele la filayo in ay ka dhacdo doorasho ayaa waxa soo baxaya in wali uu jiro khilaaf xoogan oo udhexeya madaxada  maamulka hirshabeele

Waxaana xusid mudan in guddiga doorashooyinka hirshabeele ay soo saareen jadwalka doorashada balse uu ka hor yimid madaxweynaha dowlad gobooledka hirshabeele maxamed cabdi waare Taasi oo xaalada doorashada hirshabele sii murjin karta

Sidookale siyaaysiyiinta qaar ee dalka ayaa aaminsan in dowlada faderaalku ay ka gaabisay  doorashada hirshabeele wallow masuuliyiin ka tirsan maamulka hirshabeele  ay sheegeen in dowladdu ay kor kala socoto doorashada hirshabeele

Siyaasi maxamed yacquub oo ka mid siyaasiyiinta ku dhaqan deegaanada maamulka hirshabeele  oo la hadlay idaacadi simba ayaa waxa uu sheegay in uu jiro khilaaf ka dhex jira madaxda maamulka hirshabeele isagoo rajawanaagsan ka muujiyay in maamulku ay heshiiyaan taasi oo sheegay in qeyb weyn ay ka qaadan karto in doorasho ay ka dhacdo deegaanada maamulka hirshabeele

Siyaasiga ayaana madaxda maamulka hirshabeele ugu baaqay in dib u heshiisiin iyo  isu tanaasul lagu dhameeyo arimaha jira

Dhankale siyaasi maxamed yacquub aya sheegay in odayaasha dhaqan iyo dadka reer hirshabeele qeybahooda kala duwan ay diyaar doorashada maamulka hirshabeele

 

Deegaanada maamulka hirshabeele dhawaan waxa la filaya in ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalal ah

Iyadoo wali uu jiro khilaafka madaxada ugu sareysa maamulka hirshabeele kaasi dad badan ay aaminsanayahay in khilaafkaas oo aan la xalin aysan doorasho ka dhicikarin deegaanada maamulka hirshabeele

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here