Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay howlgal ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka sameeyeen Deegaanka Basra.
Qoraal kasoo baxay Taliska ayaa lagu sheegay in Howlgal ay fuliyeen ciidamadda lagu burburiyay,maxkamadii Al-shabaab ee Deegaankaas.
“Kadib howlgal qorsheeysan oo ay ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee gor-gor ay kasameeyeen deegaano hoosyimaado degmooyinka balcad iyo afgooye ee gobolada shabeelooyinka ayaa waxeey ku bur-buriyeen goobo al-shabaab ay kubaadi jireen dad shacabka islamarkaasna ay uga qaadanjireen xoolo kuwaasi oo ay kamidyiin daniga, iyo basro,Ciidanka ayaa intii ay howlgalka wadeen waxeey bur-buriyeen maxkamadii al-shabaab ay kulahaayeen degaanka basro halkaasi oo ay uga yeerijireen shacabka soomaaliyeed si ay xoolahooda u baneeystaan,ciidanka ayaa howlgalka kudilay xubno ka Tirsan al-shabaab kuwaasi oo ay tiradoodu gaareeyso todobo”,ayaa lagu yiri warka Al-shabaab.

