Ana Sayfa Wararka Akhriso:-Taliska Nabad-Sugidda Maamulka Jubbaland oo soo saaray digniino

Akhriso:-Taliska Nabad-Sugidda Maamulka Jubbaland oo soo saaray digniino

0
Akhriso:-Taliska Nabad-Sugidda Maamulka Jubbaland oo soo saaray digniino

Taliska nabad sugidda iyo sirdoonka Jubbaland ayaa shacabka iyo ganacsatada uga digay in ay u nuglaadaan hanjabaadaha uga imaanaya maleeshiyaadka Alshabaab.

Taliyaha Nabad sugidda Jubbaland G/sare Khaalid Sheekh Cabdullaahi ayaa uga digay ganacsatada iyo guud ahaan bulshada reer Jubbaland in ay qaataan hanjabaadaha Al-Shabaab ay doonayaan in ay ku cabsi galiyaan Shacabka iyo ganacsatada si ay lacago uga qaadaan.

Taliyaha ayaa sheegay in ciddii argagaxisada Al-Shabaab ay la soo xiriiraan una hogaansanta awaamiirtooda ay ka qaadi doonaan tallaabo sharciga waafaqsan.

G/sare Khaalid ayaa ugu baaqay cid walba oo ay Al-Shabaab usoo hanjabto in ay la soo xiriiraan hay’adaha ammaanka, lana damaanad qaadi doono ammaankooda

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here

Bu site istenmeyenleri azaltmak için Akismet kullanır. Yorum verilerinizin nasıl işlendiğini öğrenin.