Madaxweynaha Puntland oo Kulamo La Qaadanaya Mas’uuliyiinta Shirkadda DP World

0

Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid C/laahi Deni ayaa ku wajahan Magaaladda Abuu Dubia ee Dalka Imaaraadka Carabta.

Madaxweyne Deni oo maalmo ku sugnaa Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya, ayaa uga sii gudbay Imaaraadka Carabta, waxaana safarkiisa ugu muhiimsan in uu la kulmo mas’uuliyiinta Shirkadda DP World ee imaaraadka laga leeyahay.

Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa la filayaa in uu mas’uuliyiinta DP World kala hadlo, arrinta Dekedda Boosaaso oo aysan wax shaqo ah ka qaban mudadii ay gacanta ku haysay, islamarkaana ay ciid ka buuxsantay.

Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxa Shirkadda DP World Suldaan Axmed Bin Suleyman, ayaa xilligaas qalinka ku duugay in DP World ay mudda 30-sano ah maamusho Dekedda Boosaaso.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here