Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Siweyn Loogu Soo Dhaweeyay Dalka Kuwait

0

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Kuwait ee caasimadda Kuwait.

 

Wafdiga ra’iisul wasaaraha waxaa ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan dowladda  Kuwait waxaana ay uga qeybgelayaan tacsida iyo duco  amiirkii dalka Kuwait ee dhawaan geeriyooday Sheikh Sabaax Alaxmed Alsabaax.

 

Sii Hayaha wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee xukumadda federaalka Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawud oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa faah faahiyay socdaalka Ra’iisul wasaaraha dalka iyo madaxda uu la kulmi  doono.

 

Sidoo kale Ra’isul Wasaaraaha Cusub ee Soomaaliya ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Kuwait waxaa uu la kulmi doonaa Amiirka cusub ee dalkaas iyo Madax kale, isaga oo kala hadli doono arrimo ku saabsan xaaladda Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta labada dowladood.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here