Madaxweynaha mareekanka oo qandheysan ayaa waxa loo qaaday isbitaal ka dib markii laga helay xanuunka Covid-19.
Aqalka cad ee madaxtooyada mareekaaanka ayaa sheegtay in madaxweynaha uu dareemayay daal iyo qandho ’’ laakiin sidiisa kale uu fiicnaa ‘’ waxaana loo qaaday isbitaal iyadoo laga taxadaraayo caafimaadkiisa.
Madaxweyne Trump ayaa waxa uu daawo tiyaaba ah ku qaatay Aqalka cad ka dib markii isaga iyo xaaskiisa marwada koobaad ee mareekanka Melania Trump labadooda laga helay xanuunka shalay jimcihii.
Mr Trump muuqaal uu bartiisa Twitter-ka uu soo dhigay ayuu ku yirri ’’ waxa ay ila thay inaan fiicanhay. Laakiin waxaan rabnaa inaan xaqiijino in ay soo baxdo natiijo wanaagsan. Sido kale marwada koobaadna waa ay fiicantahay’’.
Madaxweyne Trump ma ahan qofka ugu horeeyay uu xanuunka ku haleelo Aqalka Cad tan iyo markii xanuunka covid-19 lagu arkay gudaha dalka mareekanka , waxaa jira dhoor qof kale oo lataliyayaal ka ah Aqalka Cad oo dhawaan laga helay xanuunka covid-19, waxaana ka mid ah ku xigeynka madaxa isku duwaha shirarka jaraa’id, Katie Miller, lataliyaha dhanka amniga Robert iyo qof kale oo adeege u ah Trump.

