Wararka aan ka helayno gobolka shabeelaha hose ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamda dowlada faderaalka Somalia ayaa saakay Howlgalo qorsheysan ka wadaan deegaano iyo degmooyink ka tirsan goblkaasi sh. Hoose
Ciidamadaan ayaa waxa la sheegay in aroornimda saakayba ay ku jarmaadeen tuuloyin iyo deegaano hoosyimaada gobolka shabeelaha hoose gaar ahaana geegaanka buulo mareer
Howlgaladaan inta ay socdeen waxa ay wararku sheegayaan in iska hor imaad uu halkaasi ku dhexmaray dagaalamayaal ka tirsan iyo ciidamada dowlada balse aan wali la xaqiijin qasaaraha ka dhashay iska hor imaadkaasi
Saraalkii ka tirsan ciidanka xooga dalka eek u sugan deegaanka buulamareer ayaa waxa ay simba usheegeen in howlgaladaan ay yihiin kuwa ay ku doonayaan in alshabaab ay kaga saaran deegaanka buulamareer iyo deegaanada kale ee hoosyimaada
Sidookale sarakiisha horaaminasay howlgalada ka dhacay gobolka shabeelaha hoose ayaa waxa ay sheegeen in ay sii wadi doonan howlalada ka dhanka ah alshabaab
Wararkii ugu dambeeyay saakay naga soo gaaraya deeganka buula mareer iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka shabeelaha hoose ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada dowlada ay dhaqdhaqaaqyo ciidan ay ka wadaan halkaasi.
Maamaamihii aynu soo dhaafnay ciidamada dowlada iyo dagaalamayasha alshabaab ayaa ku dagaalamayay deegaano iyo degmooyin dhaca gobolka shabeelaha hoose
Waxaana xusid mudan in labada dhinac ay guulo ka kala sheegtaan dagaaladaasi.

