Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa safar ugu ambabaxay magaaladda Nairobi ee xarunta dalka Kenya.
Madaxweynaha ayaa muddo bil ah u joogay Muqdisho jiheynta Dalka marxaladda kala guurka ah iyo sidii ay wakhtigeeda ugu dhici laheyd doorasho la isla ogolyahay, taasi oo lagu guuleystay in la go’aamiyo lana ansixiyo iyadoo xalayna lasoo dhameystiray soo gudbinta habka, guddiyadda, habraaca iyo jadwalka doorashadda.
Maamulka Puntland ayaa marwalba dadaal joogto ah ku bixiya dhismaha Dowladdnimada Soomaaliya iyo ka gudbinta dalka marxaladdaha kala duwan, Safarkii Madaxweynaha ee Muqdisho iyo shaqadii wanaagsaneyd ee uu halkan ka qabtayna waxay qeyb ka tahay sida Puntland ay masuuliyadd isaga saartay masiirka dalka.
Safarka Madaxweynaha Maamulka Puntland, Saciid Deni aya imaanaya xili khilaaf uu u dhaxeeyo Dowladaha Soomaaliya Iyo Kenya.
Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa warqad uu jawaab ku dalbanayo u diray taliska Amisom, kadib markii ciidamada Kenya ay dad shacab ah ku laayeen magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.
Warqaddan oo uu ku saxiixan yahay la-taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Cabdi Saciid Muuse Cali, kuna taariikheysan 1-da October 2020, ayaa waxaa loo diray ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya, ahana madaxa AMISOM Francisco Madeira.

