Xildhibaan ka Tirsan Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay heshiiska Madaxda Dowladda federaalka Soomaliya,kuwa Maamul Goboleedyaddka iyo Gobolka Banaadir ay ka gaareen sida loo wajahyo doorashadda Soomaliya.
Xildhibaan Nuur Siidow Baaba oo kamid ah Xildhibaanadda Baarlamaanka Federaalka oo la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay in heshiiska Madaxda labadda dhinac uu meesha ka saaray shakigii laga qabay in muddo kororsi uu dhaco.
Waxa uu sheegay in Siyaasiyiinta Soomaalida ay soo dhaweynayaan go’aanka Madaxda Dowladda federaalka Soomaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyaddka iyo Gobolka Banaadir wuxuuna u rajeeyay in guul kusoo dhamaadaan wax walba.
Xalay Madaxda Dowladda Dhexe iyo kuwa Maamul goboleeedyadda ayaa si wadajir ah usoo saaray jadalka Doorashadda Xildhibaanadda Labadda aqal iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.

