Ciidamada Dowladda dalka kenya ayaa waxaa lagu soo waramayaa in dadka horleh oo shacab ah ay ka qafaalaatay deegaano hoosyimada degmada ceelwaaq ee gobolka gedo
Wararkii ugu dambeyay ee naga soo gaaraya gobolka gedo ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada kenya ay deeagaanka daaru salaam oo hoosyimada Degmada ceelwaaq ay ka wateen dad shacab ah oo aan waxba galabsan
Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo warbaahint la hadlay waxa ay sheegeen in afar ruux oo mooto saran ay wateen ciidamada kenya iyagoona sheegay in aysan ogayn halka ciidamada kenya la aadeen dadkaasi
Dhawaan ayay aheyd markii ciidamada kenya ay sadax ruux oo ka mid ahaa dadka shacab ay ka wateen degmada ceelwaaq kuwaasi ay markii dambe la sheegay in y dileen
Ciidamada kenya ayaa maamaamihii dambe kordhiyay tacadiyada ay ugeeysanayaan dadka shacabka ah ee ku nool deegaanada dhaca gobolka gedo ee koonfurta Somalia iyadoo ay xusid mudan tahay in shalay gobolka gedo qeybo ka mid ay ka dheceen banaanbaxyo waaweyn oo ay dhigayeen dadka shacab ka ah ee ku dhaqan gobolka gedo banaanbaxyadaasi ay sheegeen shacabku in ay uga soo horjeedo tacadiyada ciidamada kenya ay ku hayaan.
Sidookale waxa jiray dagaal qasaare kala duwan geeystay oo dhexmaray ciidamada dowladda faderaalka Somalia iyo kuwa kenya kaasi oo ka dhacay xuduud beenaadka ay wadagaan somaliya iyo kenya

