Xidhibaanada golaha shacab ee Barlamaanka Jamhuuriyada Faderaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo axad ah kulan xasaasi ah yeelanaya xarunta villa hargeysa ee muqdisho
Agendaha kulanka maanta ee xildhibaanada golaha shacabka ayaa ah Wada Tashi iyo sidii ay ugu wada hadli lahayeen waqtiga yar ee uharay iyo waxqabadka xildhibaanada.
Xildhibaanada ayaa goor horay oo xalay ah waxa la sheegay in la garsiiiyay fariin ah in ay ka soo qeyb galan kulanka maanta oo ah mid wada tashi ah
Xidhibaanada golaha shacab barlamaanka jamhuriyada faderaalka somaliya ayaa waqtigoodu waxa uu yahay mid gabagabo ah waxaana uharsan oo kaliya wax ka yar bil iyo bar
Shalay ayay aheyd markii xildhibaanadu ay an sixiyeen sharciga hagaya doorashoyinka dalka ka dhacaya waxa kasii horeeyay in ay codka kalsooni ah ay siiyeen raiisul wasaaraha cusub ee dalka

