Ciidamada Haramcad Oo Loo Daabulayo Magaalada Dhuusamareeb

0

Madaxweynaha Dowladda Galmudug  Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo  gaaray magaalada cadaado ee xarunta barlamaanka maamulka galmudug  ayaa xalay waxa la sheegay in kulamo gooni ah uu ka waday magaalada caado kulamadaasi oo wararku ay sheegayaan in natiija la.aan ay kusoo dhamaadeen.

Kulamadaan ayaa waxa la sheegay in intooda badan ay ku saabsanaayeen xalinta beelo dhawan ku dagaalamay xanaan buure iyo qalan qale iyo sidii magaalada cadaado bulshada ku dhaqan cabashadooda looga jawaabi lahaa

Wararka aan ka helayno magaalada cadaado ayaa waxa ay sheegayaan in qilaaf xoogan uu soo kala dhax galay saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan deegaanada maamulka galmudug iyo qaar ka mid madaxda ugu sareysa maamulka galmudug

Qilaafkaan ayaa waxa la sheegay in uu salka ku hayo hub iyo  gaadiid la sheegay in ay leedahay ahlusuna kuwaasi oo laisku heysto in ahlusuna ay leedahay oo lagu soo wareeyo maamaalka galmudug iyo in ahlusuna ay aysan la heeyn hubkan iyo gaadiidkaba islamarkaasna ay yihiin kuwa gaar loo yeeyahay.

qilaafka ayaa cirka ka iskusii shareeray kadib markii saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda oo ku sugan dhuusamareeb ay ku doodeen in hubkan aysan laheyn ahlusuna.

Madaxweynaha galmudug  Axmed Cabdi kaariye Qoor Qoor ayaa kulamadii ka dhacay magaalada cadaado ee looga tashanayay arimaha la xariira khilaafkaan soo if baxay  waxa la sheegay in uu ku adkeeystay in gadiidka iyo hubka Ahlu-Sunna lagu wareejiyo wasaaradda amniga maamulka  galmudug,

Waxaana la sheegay in arintaan ay khilaaf xoogan ka dhax dhalisay saraakiishada dowladda ee ku sugan magaalada dhuusamareeb iyo madaxda maamulka galmudug islamarkasna waxa la sheegay in arintaan  laisku mari la.ayahay

Sidookale madaxweynaha maamulka  galmudug ayaa la sheegay in uu dowladda ka dalbaday in ay usoo dirto ciidamo waxaana wararku ay sheegayaan in hada  ciidamada haramcad loo daabulayo magaalada dhuusamareeb

Maamulka galmudug ayaa horay ula wareegay maamulkii ahlusuna ee ka talinayay qar ka mid ah deegaanada dhaca bartamaha Somalia

Waxaana haatan aan la ogeyn waxa uu ku dhamaanayo khilaafkaan kasoo ifbaxay deeganada maamulka galmudug ,waxa lagu xalin doono iyo halka uu ka danbeyn doononaba

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here