Maxkamada Al-shabaab ee gobolka hiiran ayaa xukuno dil ah ku fulisay laba nin oo ay kusoo eedeeyeen la shaqeynta ciidamada amisom
Maxkamada al shabaab ayaa sheegtay in nimaankani ay ahaayeen jaajuusiin islamarkaas ay la shaqeynayeen ciidamada amisom iyo maamulka gobolka hiiran
Goob fagaara ah oo kutaal degmada Buq Aqable ee gobolka Hiiraan ayaa la sheegay in uu ka dhacay fulinta xukunka dilka ah ee maxkamada al shabaab ay ku riday ragaaani
Qaadiga maxkamadda Al shabaab ayaa sheegay mid kamida uu ahaa Jaasuus halka midka kale uu ahaa askari ka tirsan maamulka Hirshabelle.
Al shabaab ayaa sheegay in Axmed Max’med Abiirkar oo ahaa 33 sana jir gacanta lagusoo dhigay isagoo la shaqeynayay ciidamada AMIAOM ee ku sugan Jalalaqsi,
Al shabaab ayaa intaasi ku daray in Axmed muddo laba jeer ah cafis loo fidiyay balse markale uu dib ugu laabtay la shaqeynta ciidamada AMISOM
Waxaana ay sheegeen in markaan lagasoo qabtay tuulada Buurdheere.
Sidookale al shabaab ayaa sheegay in eedaysanaha labaad ee lagu dilay lagu magacaabo jiray Cabaas Max’med Cismaan kaaasi oo ay sheegeen in uu qirtay in uu jaasuus u ahaa maamulka Hirshabelle waxaana ay sheegeen in lagasoo qabtay tuulada Booco ee gobolka Hiiraan.
Al shabaab ayaa xukuno dil ah ku fuliyay dad ay xukuno kala duwan ku rideen maxkamadaha kuyaa deegaanada iyo dagmoyinka ay maamulaan al shabaab

