Warar dheerad ah ayaa kasoo baxaya Dagaal xoogan oo ciidamada maamulka jubbland iyo kuwa kenya oo dhinac ah iyo dagalamayaasha Al Shabaab ku dhexmaray deegaanka hoosingow ee gobolka jubbada hoose.
Dagaalkan ayaa waxa la sheegay in uu yimid kadib markii xubno ka tirsan dagaalamayasha Al-shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen fariisimo ciiamada kenya iyo kuwa maamulka jubbaland ku lahaayeen deegaanka hoosingow ee gobolka jubbada hoose
Wararka aan ka helayno gobolka jubbada hoose ayaa waxa ay sheegayaan in dagaalkaan uu ahaa mid culus islamarkaana ay labada dhinac ay ku farasaareen deeganka hoosigow
Waxaana wararku ay intaasi ku darayaan in dagaalkan uu qeystay qasare iskugu jira dhimasho iyo dhawac oo labada dhinac soo kala gaaray
Balse aan wali sidhab ah loo xaqiijin Karin
Saraakiil ka tirsan maamulka jubbaland ayaa sheegay in ay iska difaaceen kaga yimid dhanka xubnihii ka tirsanaa dagaalamayaasha al shabaab balse waxa ay sheegeen in taabadalkeeda ay iyagu ay qasaaro gaarsiiyeen
Gobolada jubbooyinka ayaa inta badan waxa ka dhaca dagaal u dhexeya al shabab iyo ciidamada jubbaland iyo kuwa keenya oo dhinac ah
Waxaana labada dhinac ay guulo ka kala sheegtan dagaaladaasi guulo iyo in midba mid kale uu qasaare gaarsiyay.

