Raisal wasaaraha Jamhuuriyadda Federalka Soomaliya Mudane Maxamed Xuseen Roble Ayaa Xalay Booqday Islamarkaana La Qatay Kulan Miro Dhal ah Guddomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman Iyo Guddomiye Ku Xigeenka Kowaad ee Golaha Mudane Cabduweli Sheekh Ibraahim Muudey
Raiiwasaaraha cusub ee dalka ayaa maxamed xuseen rooble iyo gudoonka barlamaanka jFS ayaa waxa la sheegay in ay ka wada hadleen xaalada kala guurka ee uu dalku ku jiro iyo arimo kale oo ay qeyb ka tahay xukuumada cusub ee soo dhisayo raiisul wasaaruhu
Gudoonka baarlaanka ayaa waxa la sheegay in raiisul wasaaraha ay la wadageen in uu xukuumda ka dhigo mid kooban
Raiisul wasaaraha cusub maxamed xuseen rooble ayaa shalay waxa ansixiyay xildhibaanada golaha shacabka kuwaasi oo horay codka kalsonida kala laabtay xukuumadii hore ee raiisul wasaare xasan cali kheyre
Waxaana Raisul wasaaraha cusub looga fadhiya in uu soodhiso xakuumad cusub oo dalka ka samata bixisa xaalada kala guur ka ah.

