Warar dheerd ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo saakay ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka shabeelaha hoose
Qaraxaan ayaa waxa la sheegay in uu ka dhacay xuuqa xoolaha dagmada afgooye waxaana la shegay in qaraxaan uu ka dhashay qasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Gudoomiyha Degmada Afgooye Ee Gobolka shabeelaha hoose Oo la hadlay idaacadani simba ee muqdisho ayaa fafaahin ka bixiyay si uu u dhacay qaraxii ka dhacay suuqa xoolaha degmada afgooye
Waxaana uu sheegay in qaraxani uu ahaa miinda dhulka lagu aaso oo la galiyay xuuqa islamarkaas waxa uu sheegay in lala eegtay dadka shacab ah ee suuqa ku ganacsanayay.
Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in qarsaaraha qaraxan ka dhashay uu yahay dhimashada hal qof oo shacab ah iyo ilaa iyo sadax qof kale oo dhaawac ah.
Dhankale gudoomiyaha Degamada Afgooye ayaa sheegay in ay wadan howlgalo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeyay qaraxaasi waxaaana uu sheegay in mar un ay gacanta kusoo dhigi doonan
Qaraxaan maanta ka dhacay degmada afgooye gaar ahaana suuqa xoolaha ee degmada ayaa waxa uu dhacay xili subax ah oo ay dadku usoo shaqatagayeen suuqa islamarkaasna uu suuqa ka jiray Mashquul farabadan.

