Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar filish) ayaa xalay booqday hoyga uu ka Degenyahay Magaalada Muqdisho Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdulaahi Dani.
Gudoomiyaha gobolka banaadir ayaa kulan xasaasi oo ah oo siyaasadeed la qaatay madaxweynaha putland saciid cabdulahi dani kaasi oo la sheegay in ay uga wada hadleen arima dhowr ah uu ku saabsan xaalada siyaasadeed ee dalka ,
Gudoomiyha Gobolka banaadir cumar filish ayaa madaxweynaha putland ku bogaadiyay doorkii muhimka ahaa ee uu ka qaatay in la go’aamiyo doorashada dalka.
Madaxweynaha Dowlad Goboledka putland Saciid cabdulahi Dani ayaa uga mahadceliyay maamulka Gobolka Banaadir iyo Dadweynaha Muqdisho soo dhoweynta wanaagsan ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa.
Madaxweynaha Putland ayaa muddoyinkii Dambe kulamo siyaasadeen ka waday magaalada caasimda u ah dalka ee muqdisho waxaana uu kulamo kala duwan la qaatay masuuliyiin ka tirsan dowlad goboleedyada oo ku sugnaa muqdisho iyo masuuliyiin ka tirsan dowlada faderaalka ah iyo sidookale siyaasiyiin dalka horay usoo maamushay kuwaasi oo kulamo kala duwan uu kula yeeshay muqdisho.

