Wararka laga helayo magaalada baladweyne ee xarunta gobolka hiiran ayaa waxa ay ku soo waramayan in dagaal geeystay qasaare kala duwan uu ka dhacay xalay deegaanka ceel jaalleee duleedka magaalada baladweyne.
Sida ay wrarku sheegayan dagaalkaan ayaa waxa la sheegay in uu yimid kadib markii dagaalamayaal ka tirsan al shabaab ay weearr ku qaadeen xarun ciidamada dowladda ay ku lahaayeen deegaanka ceel jaalle islamarkaasna uu halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo ay labada dhinac isku farasaareen.
Wararka ay idaacada simba ka helayso deegaanka uu dagaalku xalay ka dhacay ayaa waxa ay sheegayaan in dagaalkan uu ka dhashay qasaare isku jira dhimasho iyo dhaawac balse an si dhab ah loo xaqiijin Karin qasaaraha rasmiaga ah ee ka dhashay dagaalaka.
Waxaana la sheegay in dagaalkan uu waxa yeelo kasoo gaaray labada dhinac ee dagaalantay iyo dad shacab ah,iyadoo wararku ay sheegayan in dagaalkan ay ku dhaawacantay howeeynay ka mid aheyd dadka ka barakacay fatahada wabbiga shabeele islamarkasna ku sugneyd deegaanka ceel jaalle.
Saraakiil ka tirsan ciidamada dowlada ayaa dhankooda guulo ka sheegtay dagaalkan waxaana ay sheegeen in qasaro xoogan ay qaarsiiyeen dagaalamayaashi al shabaab ee weerarka kusoo qaaday
Xaalada deegaanka ceel jaalle ayaa saakay dagan waxaana lasoo sheegayaan in ciidamada dowlada ay dhaqdhaaqyo ciidan ka wada duleedka magaalada baladweyne taas oo lagu xaqiijinayo amaanka deegaanka ceel jaalle.

