Dagaal u dhaxeeyay Ciidamadda Dowlada Soomaaliya iyo Al-shabaab ayaa ka dhacay degaanka Bulacle ee Gobolka Galgaduud.
Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ka war helay in degaanka Bulacle ee Gobolka Galgaduud ay isku Aruursanayeen Xubno ka tirsan Al-shabaab,ayna doonayeen in ay weerar kusoo qaadaan Magaaladda Dhuusa-mareeb.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya General Odowaa Yuusuf Raage ayaa Sheegay in dagaalka Bulacle lagu dilay askar iyo saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.
Generaal Odowaa Yuusuf Raage waxa uu tilmaamay in dagaalka lagu dilay ku dhawaad 16 ka tirsan Al-shabaab
Ugu dambeynti Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa Xusay in dagaalka Al-shabaab looga qabsaday Sideed qori uu isugu jira Ak47 Bkm iyo Hal qori oo Saban ah

