Sarkaal Ka Tirsanaa Madaxtooyadda oo Meydkiisa Laga Helay Hoteel Ku Yaala Muqdisho

0

Mid kamid ahaa Saraakiisha Ciidanka Ilaalada ee Madaxtooyada Qaranka ayaa meydkiisa laga helay Hoteel ku yaala Degmadda Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir.

Gaashaanle Shariif Doofil Cali oo horey u ahaa darawalkii Madaxweynihii hore ee Somaliya, Shariif Sheekh Axmed xiligii Dowladii KMG aheyd ayaa gelinkii dambe ee Isniintii meydkiisa laga helay hotelkaasi.

Laamaha amaanka ayaa sheegay in Sarkaalka uu Hoteelka seexan jirey,balse meydkiisa laga helay.

Warar soo baxaya ayaa Sheegaya in Gabar ay halkaas ugu balansaneyd,islamarkaana goobta ka tagtay saacad kadib markii la helay meydkiisa.

Dhanka kale Maamulka Hoteelka ayaa Saraakiisha Booliska u sheegay in habeenkii Axada uu ku hoyday hotelkooda, gelinkii dambe ee Isniintiina ay ur ka dareemeen qolkii uu deganaa, sidaasina ay ku jebiyeen, uguna wargeliyeen dhacdadaasi Saldhiga Booliska ee Degmada Xamar Jajab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here