Dowladda Oo Sheegtay In Bariire Ay Ku Dileen Xubno Ka Tirsan Al-Shabaab

0

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen tuulooyin hoostaga  deegaanka Bariire ee gobolka Shabellada hoose waxa sheegeen in  ay ku soo qabteen qaraxyo ay dagaalamayaasha al-shabaab ay ku diyaariyeen duleedka  deegaanka bariire.

 

Taliyaha ururka 143 ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Dhamme Axmed Xasan Siyaad ayaa sheegay in howlgal ay ciidamada xoogga dalka ka fuliyeen Bariire lagu soo qabtay qaraxyo ay xubno ka tirsan  Al-shabaab ku diyaariyeen duleedka deegaanka

 

Dhamme Axmed Xasan Siyaad waxa uu sidoo kale sheegey  in ciidamada xoogga dalka ay soo saareen qaraxyo ay dagaalamayaasha  al-shabaab ku aaseen Tuuloyin hoostaga deegaanka bariire ee gobolka shabellada hoose

 

Hawlgalka qaraxyada lagu soo qabtay ayey saraakiisha xoogga dalku sheegeen in lagu dilay xubno  ka tirsan dagaalamayasha  kuwaasi oo uu tiradooda ay gaarayso 13-ruux, sida ay sheegtay warbaahinta dowlada

Waxaana ay sheegeen in xubnahaasi ka tirsanaa alshabaab  xilligaaasi ay doonayeen inay ay dhibaateeyaan  shacabka Soomaaliyeed.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here