Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen tuulooyin hoostaga deegaanka Bariire ee gobolka Shabellada hoose waxa sheegeen in ay ku soo qabteen qaraxyo ay dagaalamayaasha al-shabaab ay ku diyaariyeen duleedka deegaanka bariire.
Taliyaha ururka 143 ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Dhamme Axmed Xasan Siyaad ayaa sheegay in howlgal ay ciidamada xoogga dalka ka fuliyeen Bariire lagu soo qabtay qaraxyo ay xubno ka tirsan Al-shabaab ku diyaariyeen duleedka deegaanka
Dhamme Axmed Xasan Siyaad waxa uu sidoo kale sheegey in ciidamada xoogga dalka ay soo saareen qaraxyo ay dagaalamayaasha al-shabaab ku aaseen Tuuloyin hoostaga deegaanka bariire ee gobolka shabellada hoose
Hawlgalka qaraxyada lagu soo qabtay ayey saraakiisha xoogga dalku sheegeen in lagu dilay xubno ka tirsan dagaalamayasha kuwaasi oo uu tiradooda ay gaarayso 13-ruux, sida ay sheegtay warbaahinta dowlada
Waxaana ay sheegeen in xubnahaasi ka tirsanaa alshabaab xilligaaasi ay doonayeen inay ay dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.

