Ciidamada Dowladda Oo Howlgalo Ka Wada Deegaano Ka Dhaca Gobolka Galgaduud

0

Ciidamo ka tirsan dowlada ayaa howlgalo waxay ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolka galgaduud islamarkaasna ay saakay ay wararku waxa sheegayaan in dhaqqaaqyo ciidan ay ka wadaan deegaano ka tirsan gobolka galgaduud.

Ciidamada Xoogga Dalka qeybta 21-aad gaar aaan Guutada 15-aad ayaa dagaal qorsheysan waxa la sheegay in ay  ku qaadeen deegaanka Miir-dugul oo duleedka Koonfur kaga beegan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Ciidanka Xoogga ayaa waxa sidookale la sheegay iny ku baxay dagaalamayaal  ka tirsan Al-Shabaab kuwaasi  oo dowladu sheegtay in ay dad shacab ah ku dhibaateynaya deegaankaas, halkaas waxaa la shegay in uu ka dhacay dagaal xooggan islamarkaasna dagaalamayaasha al shabaab ay iskaga bexeen deegaamnkaasi sida lagu sheegay war kasoo baxay dowlada

Ciidamo ka tirsan Guutada 15-aad ee Qaybta 21-aad oo howlgalkan fuliyay ayaa ku sugan aagii lagu dagaalamey, waxaana goobta isaga baxsadey Alshabaab sida ay sheegeen saraakiisha hoggaamineysa

Waxaana la soo sheegaayaa in ciidamada dowlada ay saakay ay halkaasi ka wadaan howlgalo iyo dhaqdhaqaayo ciidan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here