Warar dheerad ah ayaa kasoo baxaya bamba gacmeed xalay lagu weeraray maqaayad ku taala xaafada howlwadag ee magaalada baladweyne
Bamba gacmeedkaan ayaa waxa la sheegay in lagu weeraray goob maqaaxi ah oo ay ku sugnayeen ciidamo ka tirsan dowlada faderalka ah ,dad shacab ah iyo saraakiil macawisley ah.
Waxaana la sheegay in weearkaan bamba gacmeedka ah uu ka dhashay qasare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac ah.
Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo siyasaada maamulka gobolka hiiran oo la hadlay idaacadani simba ee muqdsho ayaa faafaahin ka bixyay weerarkii xalay lagu qaday maqaaxi ku taalla magaalada baladweyne ee xarunta gobolka hiiran
Waxaaana uu sheegay in goobta weerarka lagu qaaday ay aheyd maqaayad ay ku sugnaayeen dad shacab ah iyo ciidamo islamarkaasna waxa uu sheegay gudoomiyuhu in weerarkaasi uu ku dhintay hal ruux oo shacab ah sidookalana uu ku dhaawacmay sarkaal macawisleey ah iyo laba ka mid ah ciidamada dowlada
Gudoomiyaha ayaana dhankale tilmaamay in ciidamadu hada ay wadaan howlgalo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay weerarka bamba gacmeedka ah ee lagu qaaday maqaayada
Howlgaladaan ayuu sheegay gudoomiyuhu in dad badan lagu soo qab qabtay islamarkaasna baaritaano kale duwan lagu sameyn doono
Hadalkan ayaa waxa uu kusoo aadayaa xili xalay bamba gacmeed lagu weeraray dad shacab ah iyo askar ka tirsan dowlada oo ku caweynayay maqaayad ku taala xaafada howlwadaag ee magaalada baladweyne.

