Wararka aan ka helayno garoonka diyaaradaha aadan cadde ee magaalada muqdisho ayaa waxa ay ku soo waramayaan in goordhaweyd diyaarad ay ku burbrurtay gudaha garoonka diyaaradaha ee muqdisho.
Diyaaradaan oo la sheegay in ay aheyd nuuca xamuulka qaada ayaa waxa la sheegay in ay ku wajahneyn magalada balaweyne islamarkaasna ay siday agabyo iskugu jiray shixnado kale duwan
Wararka aan helayno ayaa sidookale sheegaya in diyaarada laga soo badbaadiyay laba qof oo shaqaale ah oo diyaarada saarna halka wararka qaar ay sheegayaan in waxyeelo ay soo gaartay labadaasi qof ee shaqaalaha ka ahaa diyaarada.
Diyaaradaan nuuceeda lagu sheegay in ay aheyd kuwa xamuulka qaada ayaa waxa la sheegay in ciladi ay ku timid markii ay cambaar hawada kusii jirtay islamarkaasna ay dib ugu soo laabatay garoonka aadan cadde ee muqdisho oo markii horeb ay ka duushay diyaaradu.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in diyaarada markii ay caga dhiganeysay ay afka hore ku dhifsatay gidaarka ama darbiga garonka ku wareegsan islamarkaasna ay sidaas ku burburtay qeybo ka mid diyaarada.
Sidookale dad qaar ee ku sugan gudaha garoonka diyaaradaha oo aan la hadalnay ma aysan ino sheegin wax qaasre nafeed ah oo ka dhashay burburka soo gaaray diyaadaan maanta kusoo dhacday garoonka aadan cade ee magaalada muqdisho.

