Ciidamada Dowladda Oo Howlgalo ka Sameeyay Deegaano Ka Tirsan Gobolka shabeelaha Hoose

0

Ciidamada  xooga dalka ayaa howlgalo miino baaris ah ka sameyay degmada Awdheegle ee gobolka shabeelaha hoose

Ciidamada dowlada gaar ahaana ururka 66aad Guutada 14 Octeber ee ku sugan degmada awdheegle  ayaa la sheegay in howlgaladaan ay fuliyeen islamarkasna waxa ay sheegeen inta howlgaladaan ay ku jireen ay kusoo qabteen qaraxyo badan

Sarakiisha ciidamada hogaaminaysay ayaa sheegay in howlgaladaan ay ahaayeen kuwa balaaran oo ka dhan ah dagaalamayaasha Al-shabaab

Waxaana ay tilmaameen in qaraxayo badan lagu soo qabtay howlgalka ay fuliyeen ciidanka xooga gaar ahaana ururka 66aad Guutada 14 Octeber

Sidookale saraakishu waxa  ay intaasi kudareen in howlgaladan ay siiwada doonan inta  laga xaqiijinayo amaanka deegaanada gobolka shabeelaha hoose

Howlgaladaan ay sameeyeen ciidamada Dowlada ayaa waxa ay kusoo aadayaan xili inta badan ay deegaanada gobolka shabeelaha hoose ay ka dhacaan qaraxyo miino ah oo inta badan saameeyn ku yeesha dadka ku safraya wadooyinka gobolka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here